Gobolka Tigray oo lagasoo diiwaan geliyay in kabadan 120kun oo kiisas kufsi ah [Warbixin].

Sunday June 23, 2024 - 17:59:49
Liibaan Jeexoow
Warbaahinta Itoobiya qaar kamid ah ayaa daabacday in kufsiyadii ka dhacey gobolka Tigrayga sannadahii 2020 illaa 2022 ay kor u dhaafeen illaa 120,000 oo kiis.
Inta badan xaaladahan ayaan loo helin daaweyn caafimaad sida ay soo wariyeen saraakiisha caafimaadka ee arrimaha ku fooggan.

Ka dib heshiiskii Pretoria ee November 2022 waxa kordhayey kiisaska cusub ee la ogaanayey kuwaas oo tiradii rasmiga ahayd ee la diwaangaliyey sii kordhinayey.

Kufsiyada ka dhacey gobolkaas inta ugu badan waxa lagu eedeeyay in ay geysteen Ciidanka Itoobiya, Kooxda Axmaarada ee Faano iyo Ciidanka Eritrea oo ka barbar dagaallamayey ciidamada Itoobiya.

Jabhadda TPLF ee Tigreega ayaa lagu yaqaannay xilligii ay talada Itoobiya garwadeenka ka ahaayeen in ay sameeyaan kufsi wadareedyo iyo xasuuqyo baahsan oo ay ugeysanayeen qowmiyadaha muslimiinta sida Soomaalida iyo Oromada.

Itoobiyadii ay qoomiyadda Tigreegu majaraha u haysey waxa ay xasuuq shacab ka geysteen deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya gumeysato iyo magaalada Muqdisho sannadkii 2006 inkasta oo ay la kulmeen iska-caabbin shacab oo ballaaran.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka KMG ah ee fadhigiisu yahay magaalada Maqalla ayaa qiray in ay soo gaareen kiisaas aan xisaab laheyn oo ku aaddan kufsi lagula kacay hablaha qowmiyadda Tigreega.

Dhimashada iyo gabood fallada utunta noqday ee laga dhaxlaya dagaalkii ismaamulka Tigreega ayay adagtahay sida ay bulshadu ugasoo kabsato waxaana lasoo warinayaan sheekooyin yaab leh oo ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee deegaanka Tigeega wali waxa ka jira dhiillo siyaasadeed, cunto yaraan iyo xanuunno ay sababeen dagaalladii ka dhacey deegaankaas.

Related Items

Update cookies preferences