In ka badan nus milyan Yuhuud ah oo ka qaxay 'Israel'.

Monday June 24, 2024 - 12:20:03
Liibaan Jeexoow
Xog laga soo xigtey Hay'adda Laanta Socdaalka ee Yuhuudda maanta oo Axad ah ayaa tibaaxaysay in ay nus malyuun kor u dhaafeen dadka Yuhuudda ah ee ka qaxey Israel isla markaana aan la rejaynayn in ay dib u soo laabtaan.
Barakaca Yuhuudda ayaa la kowsadey weerarkii loo bixiyey Duufaanta Al Aqsaa ee 7 October sannadkii ina dhaafey.

Kadib weerar rogaal celis ah oo ciidamada gumeystaha Yuhuuddu ku soo qaadeen Marinka ayaa ka tegay 123,000 oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarey dadka reer Falastiin.

Wargeyska lagu magacaabi Zaman Israel News ayaa isna tibaaxey in tirada dadka ka qaxey Israrl tan iyo October ay caga-cagaynayso 550,000 oo ruux kuwaas oo xitaa aan la rajaynayn in ay dib u soo laabtaan(permanent migration).

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Israel waxa ay xusayaan in hoos u dhac weyni ku yimi dadka Yuhuudda ah ee ku noolaa Bariga Dhexe.

Waxa kale oo ay xoguhu intaa ku darayaan in ay jiraan Yuhuud dhowr milyan ah oo haysta jinsiyado/kaar dhalasho oo hal ka badan kuwaas oo ay u fududdahay in ay ka tanaasulaan jinsiyadda ‘Dalka Israel’.

Dhanka kale waxa isa soo taraya khilaafka u dhexeeya ciidamada Yuhuudda iyo RW Sahaayinada Netanyahu.

Taliye sare oo dhawaan warbaahinta la hadley waxa uu sheegay in ay adag tahay in laga takhalluso Xamaas taas oo uu ku sababeeyay in Xamaas ay xambaarsan yihiin fikir, fikirkaas oo shacabkooduna la qabaan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences