Muuse Biixi iyo Xasan Gurguurte oo eedaymo hawada isku dhaafsaday.

Wednesday June 26, 2024 - 17:27:59
Liibaan Jeexoow
Intabadan hoggaamiyaasha dabadhilifyada Soomaalida ayaa xalay jeediyay khudbado ay kusoo beegeen waxa loogu yeero dabaal degga munaasabadda maalmaha xoriyadda.
Waxa habeenkii xalay meelo kala duwan laga xusey xuska loogu yeero 26-ka June kaas oo ku astaysan xilligii gumeystaha Ingiriisku ka baxay Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasibad lagu xusayey 64guurada ka soo wareegtay markii Ingiriisku baxay ayaa ka hadley qodobbo kala duwan oo uu ugu muhiimsanaa waxa laga yeelayo MoU-ga Somaliland iyo Itoobiya.

Xasan Gurguurte oo umuuqday in uu dhibsaday aaminadda inta badan dadka Soomaalida ee ah in isagu uu Itoobiyadda badda usaxiixi lahaa balse uu ka maseyray in Abiy uu soo maro dhanka Muuse Biixi ayaa arrimahaas ka jawaabay wuxuuna beeniyay in uu damacsanyahay iibinta badda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha maamulka Somaliland in uu damacsanyahay iibinta badda iyo barriga Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in uu arrinkaas ka joogsado.

Dhanka kale Muuse Biixi oo Hargeysa ka hadley waxa uu Xasan Sheekh ugu gooddiyey in aaney salaanta iska qaadi doonin wadahal iska daayoo maaddaama Xasan ka soo horjeedo heshiiska Itoobiya-Somaliland. Korneylku waxa uu sheegay in aanu marna heshiis la noqoneyn nin kasoo horjeedo wax uu ugu yeeray jiritaanka 'Somaliland'.

"Hawl baa inoo taalla, waayo nin kuleh anaa kuleh oo anaa ku xukuma waxaynu eegannaa inooma yaallo... wadahadal iska daaye isi salaami mayno” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhanka kale waxa dalka yar ee Djibouti laga dareemayaa abaabul xafladeed halkaas oo caawa laga xusi doono markii dalkaasi "Xorriyadda” ka qaatey dalka Faransiiska 27 June, 1977-kii.

Sidoo kale 1-da Julaay ee maalmaha soo socda waxa ay ku beegan tahay markii Talyaanigu ka baxey Koonfurta Somalia.

Xuska maalmahan ayaa sannad kasta la qabtaa waxayse isweydiintu tahay dhulalka xornimada laga xusayaa xor ma yihiin?.

Intabadan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya waxaa gummeysi ku haysta ciidamo shishisheeye oo ubadan Xabashi,Kenyaan iyo Yugaandheys kuwaas oo reergalbeedka wakiil uga ah dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo ehelkiisa.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences