Xasan Gurguurte oo Amiirka Qadar ka codsaday in uu laheshiisiiyo Abiy Axmed.

Thursday June 13, 2024 - 12:45:40
Liibaan Jeexoow
Qaar kamid ah dowladaha dabadhilifyada carabta ee qeybta ka ah duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa billaabay in ay wadahadallo ka dhax furaan dowladda xabashida Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo isku maandhaafay heshiiskii uu Muuse biixi qeyb kamid ah badda Soomaaliya ugu saxiixay Abiy Axmed.
Amiirka xukuumadda Qadar ninka lagu magacaabo Tamiin Bin Xamad ayaa sheegay in uu khadka taleefanka si iskumid ah ugula xiriiray Xasan gurguurte hoggaamiyaha DF-ka iyo Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha xabashida itoobiya.

Wakaaladda wararka ufaafisay Qadar ayaa sheegtay in hoggaamiyaha xukuumadda Dooxa uu labadan nin kula hadlay khadka taleefanka balse tafaasiil dheeraad ah kama bixin marka laga reebo in ay tiri "labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka".

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu dadaal ugu jiro sidii loo heshiisiin lahaa isaga iyo Abiy Axmed.

Dhowr madaxweyne ayuu bilihii lasoo dhaafay Xasan gurguurte ka codsanayay in ay heshiisiiyaan isaga iyo Abiy Axmed balse Itoobiya ayaa arrinkaas ka madax adeygaysay.

Lataliyaha dhanka amniga Xasan Gurguurte ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in ay rejaynayaan in ay wadahadal lagalaan Abiy Axmed inta aan lagaarin horraanta bisha June ee soo socota.

DF-ka ayaa 12 sano ka hor kumanaan kun oo katirsan ciidamada xabashida Itoobiya soo gelisay soomaaliya iyadoona weli xiriir dhan walba ah laleh xabashida balse Xasan Gurguurte ayaa warbaahinta ka sheegay in uu ka carooday heshiiskii ay Abiy Axmed iyo Muuse biixi saxiixdeen kowdii bishii janaayo ee lasoo dhaafay.

Related Items

Update cookies preferences