Roobab daadad wata oo dalka Afghanistan ku dilay 300 oo qof.

Sunday May 12, 2024 - 17:57:00
Liibaan Jeexoow
Khasaara aad u xooggan ayaa ka dhashay roobab daadad wata oo ku dhuftay qaar kamid ah gobollada dalka Afghanistan.
Wararka ka imaanaya waqooyiga wadankaas ayaa sheegaya in ku dhowaad 300 oo ruux ay dhinteen halka tobanaan kale lala'yahay kadib markii ay daadad ku dhufteen magaalooyin iyo degmooyin dhaca wilaayada Baghlan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa sheegtay in musiibooyin rabbaani ah ay ku dhufteen illaa sedax wilaayo islamarkaana ay ku mashquulsanyihiin ugurmashada dadka dhibaataysan.

Dhimashada ugu daran waxaa lagasoo calaamadeeyay magaalooyinka Balkhumri iyo Barkah halkaas oo ay daadku ku rogmadeen xaafado ay dadku ku badanyihiin.

Gobollada Badkhashaan, Goor iyo Hiraat ayaa iyana lagasoo sheegayaa roobab mahiigaan ah oo daad wata.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Imaarada Islaamiga ah ayaa taczi loogu diray ehellada ay ka baxeen dadkii ku shahiiday daadadka ku dhuftay dalka Afghanistan

Related Items

Update cookies preferences