Caasimadda dalka Jabuuti oo noqotay magaalada ugu nolosha adag qaaradda Afrika!.

Thursday June 20, 2024 - 18:43:24
Liibaan Jeexoow
Xilli uu Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha wadanka Jabuuti uu weli sii wado boobka uu ku hayo dhaqaalaha shacabka Jabuuti ayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah wajahaan boqolaal kun qof reer Jabuuti ah.
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa muujinaysa in dalka Jabuuti uu yahay dalka 2aad ee ugu nolosha adag qaaradda Afrika.

Shirkadda Mercer ee ka faalloota arrimaha dhaqaalaha iyo maciishadda ayaa sheegtay in magaalada Jabuuti ay tahay magaalada ugu nolosha xun Afrika waxaana ka horreeya oo kaliya Bangii ee caasimadda u ah dalka Jamhuuriyadda Afrika dhexe.

Taqriirka ayaa muujinaya in mustawaha nolosha ee qoysaska Jabuuti ay tahay mid aad u adag waxaana cirka isku shareeray qiimaha cuntada daruuriga ah iyo kirada guryaha.

Shirkadda Mercer waxay sheegtay in qofka Jabuutiyaanka ah ay ku adagtahay nolosha waxaana arrimaha layaabka leh kamid ah in biyaha lacabo ee nadiifka ah ay qaali ka yihiin dalka Jabuuti.

Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lacago boqolaal milyan oo Dollar ah bil walba kasoo xaraysa dekadaha Jabuuti ee caanka ka ah geeska Afrika, sidoo kale lacago canshuur adag ah ayay ka qaaddaa shacabka waxaana usii dheer lacagaha ay ka hesho saldhigyada ciidamada shisheeye ee dalka kuyaal.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo qoyskiisa ayaa dalka Jabuuti maamulaya ku dhowaad 26 sanadood waxayna boobeen hantida bulshada iyagoo dalka ka dhigay buqcad faqrigu ku badanyahay.

Related Items

Update cookies preferences