Muuse Biixi oo Markale ku celiyay in Itoobiya ay lawareegayso qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Saturday May 18, 2024 - 12:29:45
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi oo ka hadley munaasibadda 18 May oo ahayd 33 guuradii ka soo wareegtay markii maamulkaasi ku dhawaaqey in uu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada Somalia haddii ay baxaan ay Alshabaab muddo saacado ah kula wareegayaan dalka.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in ‘Baanka Adduunku’ Soomaaliya oo dhan ugu deeqay lacag kor u dhaaftey ilaa laba bilyan si loogu qaybiyo gobollada laakiin Somaliland ay ka heshay qaddar aad u yar.

"Tusaale yar baan idin siinayaa maanta halkay marayaan Xasan Sheekh iyo Dawladdiisu. Wuxu Baanka Adduunku ugu deeqay Soomaaliya oo dhan $2.2 billion, Somaliland waxay u soo qoondeeyeen Xasan Sheekh iyo dawladdiisu 6.8%(boqolkiiba lix dhibic 8).”.

Muuse Biixi waxa uu ka dhawaajiyey in Xasan Sheekh uu caalamka ku wareeriyey in haddii uu hirgalo heshiiska Somaliland-Ethiopia ay xoogeysanayso Alshabaab laakiin taasi ay beenowday ka dib markii Xasan laftiisu Al Jaziira ka sheegay in uu Ethiopia bad siinayo haddii isaga ay soo maraan ayuu sii raaciyey.

Muuse Biixi oo badanaa khudbadihiisu kaga hadla DF ayaa xusey in haddii Soomaaliya nuclear haysan lahayd ay malaha ku dhufan lahaayeen SL.
"Soomaaliya haddii ay malaha nuclear haysato way innagu dhufan lahayd cadhada ay inoo qabaan” Muuse Biixi

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences