Emmanuel Macron oo kala diray Baarlamaanka Faransiiska kadib markii laga adkaaday.

Monday June 10, 2024 - 15:08:51
Liibaan Jeexoow
Maalin kadib markii ay kooxaha mucaaradka siyaasadoodu ujanjeerto midigta dhexe ay ku guulaysteen doorashooyinkii ka dhacay Faransiiska iyo qaaradda Yurub ayuu Macron ku dhawaaqay arrin dad badan ka yaabisay.
Frédéric Macro ayaa kala diray baarlamaankii Faransiiska wuxuuna iclaamiyay doorashooyin degdeg ah.

Haweenayda madaxda ka ah xisbiga midigta fog ayaa kusoo baxday doorashooyinkii maxalliga ahaa ee Faransiiska arrinkaas oo muujiyay walaaca xukuumadda Paris.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Frédéric Macro uu siyaasad ahaan yahay mid go'doosan islamarkaana daciif ku ah gudaha Faransiiska.

Doorashooyinkii baarlamaaniga Ururka midowga Yurub ayaa looga guulaystay axzaabtii ay siyaasadda bah wadaagga ku ahaayeen madaxweynaha Faransiiska arrinkaas oo sababay in uu iscasilo R/wasaarihii dalka Biljamka.

Related Items

Update cookies preferences