Carruurta ku shahiiddey Qaza oo kor u dhaafey 15,000.

Monday June 10, 2024 - 18:55:42
Liibaan Jeexoow
Xafiiska Warbaahinta ee Qaza ayaa sheegay in isugeyn carruurta ku nafweyday dagaalka ka socda magaalada Qaza ay gaareen 15,517 carruur ah.
Dagaalka ayaa galey maalintiisii 248aad welina waxa socda gaboodfallada Yuhuuddu ka wadaan goobaha shacabku deggan yihiin.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya in dadka ku shahiidey dagaalka ay kor u dhaafeen 37,000 oo qof.

Tiradan ayaa ka dhigeysa in carruurta Yuhuuddu qalatey ay shacabka ka noqonayaan 42%.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa wararku ay sheegayaan in Yuhuuddu ay duqeymo ku dileen dad kor u dhaafey 200 oo qof halka dhaawacuna cagacageynayo ilaa 700 oo qof. Tirada carruurta ee majaacadu saamaysay ayaa dhawaan la sheegay in ay gaartey 3500 oo carruur ah.

Isku soo wada duuboo Marinka Qaza wuxu waajahayaa cadaadis Sahyo-saliibi ah halka dadkii muslimiinta ahaa ay ku jiraan hurdo dheer.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences