Mareykanka oo $360 million hub iyo drones kaga iibinaya Taiwan.

Thursday June 20, 2024 - 12:35:07
Dalka Mareykanka ayaa ansixiyey in hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka uu kaga iibiyo Jasiiradda yar ee Taiwan qiime dhan 360 milyan oo doollar, sida uu sheegay masuul u hadley Wasaaradda Difaaca ee Mareykan.
Tan ayaa caqabad ku noqonaysa xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka maaddaama oo Shiinuhu uu sheegto jasiiraddan. Bishii hore dhoollatus Shiinuhu sameeyay ayaa ka dhacey agagaarka Jasiiradda Taiwan isla markaana sarkaallo sare oo u hadley China waxa ay luuqad adag kula hadleen maamulka Taiwan iyaga oo xusey in ay edbin doonaan ‘Goonni-goosatada’.

Mareykanka waxa ay tallaabadan ku tilmaameen in ay tahay mid lagu ilaaliyo xasilloonida iyo dhaqaalaha gobolka.

Dhanka Wasaaradda Difaaca ee Jasiiradda Taiwan warmurtiyeed ay soo saartey waxa ay ku sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayso dawladda Mareykan ee hubka ka iibisey waxa aaney sheegeen in hubkani awood u siinayo sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowgooda(China). Jasiiradda Taiwan waxa ay kamid tahay dalalka aan wali aqoonsiga rasmiga ah ka helin caalamka.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences