Shiinaha oo iskuweer ka qabtey Jasiiradda Taiwan.

Thursday May 23, 2024 - 11:05:46
Liibaan Jeexoow
Jamhuuriyadda Mushrikiinta ee Shiinaha ayaa isku wareejisey maamulka goonni goosadka ah ee Taiwan.
Wakaaladda Wararka Xinhua ee Shiinaha ayaa tibaaxdey in Taliska Bari ee Ciidamada Xoreynta Shiinaha (PLA) ay dhoollatus millateri ka samayn doonaan badaha ku hareeraysan Taiwan.

Afhayeen ku hadley magaca Ciidamada Shiinaha waxa uu sheegay in dhoollatuska ay ka qayb qaadan doonaan dhammaan ciidamada kala geddisan ee cirka, dhulka iyo badda. Waxa aanu raaciyey in ay ciqaab daran la kulmi doonaan koox uu ugu yeeray in ay Shiinaha kala jarayaan.

"Ciqaab adag baanu marsiin doonnaa kuwa goonni goosadka ah ee isugu yeera Taywaanta madaxa bannaan, dhanka kale waxaan digniin u direynaa cidkasta oo soo fara gelisa arrimaha gudahayaga” ayuu yiri Colonel Li Xi(Liishii) Afhayeenka millateriga.

Dhoollatuskan ayaa imanaya xilli saddex cisho ka hor uu madaxweynaha cusub ee Taiwan William Lia Ching-te ugu baaqey Xukuumadda Beijing in ay joojiso daandaansiga. Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in Jasiiradda Taiwan ay heegan adag gelisey ciidankeeda.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences