Xuutiyiinta Yemen oo heshiis amni la galey Ruushka iyo Shiinaha.

Saturday March 23, 2024 - 07:20:08
Liibaan Jeexoow
Xoogagga Xuutiyiinta ee reer Yemen ayaa wararku sheegayaan in ay heshiis amni la galeen Shiinaha iyo Ruushka.
Xuutiyiinta oo aalaaba beegsada maraakiibta reergalbeedka ee gacansaarka siyaasadeed la leh Yuhuudda ayaa lagu soo warramayaa in ay ballanqaadeen magan gelinta maraakiibta labada dal ee aynu soo xusnay.

Wararku waxay intaa ku darayaan in heshiis is-afgarad ay saddexda dhinac ku gaareen dalka Cummaan. Heshiiskan la sheegayo oo aan si toos ah loo bayaamin ilaha laga soo xigtey waxa soo tebiyey Wergeyska Bloomberg ee arrimaha siyaasadda ka faallooda. Qodobada la saadaalinayo in laga wada hadley ayaa lagu sheegay in Ruushka iyo Shiinuhu Xuutiyiinta ka difaacayaan Golaha Amniga ee ‘Qaramada Midoobey’ haddii la isku dayo in la go’doomiyo taas oo ay ku beddesheen nabad gelyada gaadiidkooda badda.

Kooxdan reer Yemen ayaa ciyaaraysa door muuqda oo ay ugu hiillinayaan qaddiyadda Falastiin xilli waddamo waaweyni ay hadal uun ku koobsadeen.
Sannadkan aynu ku jirno bilowgiisii waxa Afhayeenka Xuutiyiintu warfidiyeenka u sheegay in gaadiidka badda ee Ruushka iyo Shiinuhu si nabadgelyo ah ku mari karaan Badda Cas intii aaney wax xiriir ah la yeelan Israel.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in Xuutiyiintu ay isticmaalayaan habab aan casri ahayn oo ay ku beegsanayaan gaadiidka badda taas oo mararka qaarkood keenaysa in ay weeraraan markab ay ameerikaan u haysteen oo gadaal laga ogaadey in ay lahaayeen shirkado laga leeyahay Giriigga iyo Singapore.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences