Hoggaamiyeyaasha 4 dowladood oo Carbeed oo booqasho ku tagaya Shiinaha.

Monday May 27, 2024 - 11:37:05
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa iclaamisey Isniinta maanta ah in Boqorka Baxreyn Xamed Ciise Aala Khaliifa, Madaxweynaha Masar Alsiisi, Madaxweynaha Tuunis Qays Saciid iyo ka Immaaraadka Maxamed Bin Saayid ay booqasho ku tegi doonaan dalka Shiinaha toddobaadka soo socda.
Wasaaradda Dibedda ee Shiinuhu waxa kale oo ay sheegtay in dalabka loogu yeerayo uu lahaa Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping(Shiin Jiin-biing). Booqashadan ayaa socon doonta sida loo qorsheeyay 28 bishan ilaa 1-da Juun.

Kulankan waxa la sheegay in lagaga wada hadli doono iskaashiga dalalka Carbeed iyo Dawladda Shiinaha ee qadiyadaha gobolka iyo caalamkaba sida ay qortey Wakaaladda Wararka ee China.

Maalinnimada Khamiista ah waxa dhici doona kulanka 10aad ee wusarada ee iskaashiga Shiinaha-Carabta, halkaas oo uu hadal ka jeedin doono Xi Jinping.

Waxa kale oo laga wada hadli doonaa qadiyadda Falastiin xilli Shiinuhu dedaal dheer ugu jiro in uu noqdo dhex dhexaadiyaja Gumeysiga Yuhuudda iyo Xarakada Xamaas oo dagaal ku wada jira tan iyo October 7.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences