Wasiir katirsan Imaarada Islaamiga oo booqasho naadir ah ku tagay dalka Imaaraatka Carabta.

Wednesday June 05, 2024 - 15:42:37
Liibaan Jeexoow
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Taliban Ziraajuddiin Xaqqaani ayaa la kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxammed Bin Zaayid.
Kulanku waxa uu ka dhacey Qariga Alshaadi’ ee ku yaalla Abu Dhabi.

Kulankan waxa diiradda lagu saarey sida la sheegay wanaajinta xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka sida ay ku warramayso warbaahinta UAE.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in Imaarada Islaamiga ah ay ajiibtay codsi uga yimid Imaaraatka oo ahaa in ay dhax dhaxaadiyaan sidii markale heshiis maxaabiis isweydaarsi ah uu udhaxmari lahaa Kaabuul iyo Washington.

Dowladda Qadar ayaa caan ku aheyd dhax dhaxaadinta Taliban iyo Mareykanka waana markii ugu horraysay ee Imaaraatku uu arrinkan isku dayo.
 
Xukuumadda Kabul ee Taliban oo culeysyo badani ka haysteen waddamada la jaarka ah waxa ay tani u fureysaa bog cusub.

Dalka Kazakhstan ayaa dhawaan go’aan ku gaarey in liiska waxa loogu yeero argagixisada laga saaro Taliban taas oo ay xukuumadda Kaabuul soo dhaweysay.

Ku xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Dibedda ee Taliban ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeddu uu arrinkan u arko tallaabo wanaagsan oo xagga isfahamka ah loo qaadey taas oo meesha ka saareysa caqabaddii hortaagnayd labada waddan(Islamic Emirate and Kazakhstan).
Wasiirka arrimaha gudaha Imaarada Islaamiga ah ee tagay Imaaraatka ayaa kujira liiska Argagaxisada Mareykanka waxaana dulsaaran 20 milyan oo dollar.

Bartamihii sannadkii 2021 ayaa ay Daalibaan si rasmi ah ula wareegeen Afghanstan iyaga oo beddelay dastuurkii gaalada isla markaana dalkaas ka hirgeliyey shareecada Islaamka.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences