Maxamed Bin Salmaan oo aqbalay in uu booqasho ku tago Iiraan.

Saturday May 25, 2024 - 14:48:47
Liibaan Jeexoow
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa aqbaley dalab booqasho oo uga yimid dhanka xukuumadda Shiicada Iiraan.
Warbaahinta Iiraan ayaa qoraya in madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Iiraan Maxamed Mukhbir uu casuumaad booqasho ah u fidiyey dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan.

Tan ayaa timi ka dib wadahadal dhanka taleefanka ah oo dhexmarey Mukhber iyo Salmaan maalinnimadii Jumcada ee shaley.

"Sidii hore uu dalabka booqasho ee Iiraan uu idiinku fidiyey madaxweynihii galbadey ee Ra’iisi anna waxaan dhaxalsugihiinna ka dalbanayaa imaanshaha dalkayaga saaxiibka iyo walaalka idinla ah” Mukhbir.

Dhanka kale Maxamed Binu Salmaan ayaa u tacsiyeeyay madaxweynihii halaagsamey ee Shiicada Ibraahiim Ra’iisi, waxa aanu madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Iiraan ka dalbadey in uu dhankiisa soo booqdo Sucuudiga.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences