Mareykanka oo Yahuudda ku amray in ay weerarto shacabka Rafax ayna ka baaqsato weerar ka dhan ah Iiraan.

Thursday April 18, 2024 - 17:19:30
Liibaan Jeexoow
Dowladda daalimadda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay sheegtay in ay maamulka Yahuudda ku taageerayso duullaan cusub oo lagu qaado muslimiinta Falasdiin 8 bilood kadib markii uu billaawday dagaalka Qaza.
Mareykanka ayaa maamulka Yahuudda ku cadaadinayo in uu ballaariyo xasuuqa Qaza islamarkaana uu gaarsiiyo deegaanka Rafax oo kaabiga ku haya xuduud beenaadka Masar islamarkaana ay ku barakaceen boqolaal kun oo kamid ah shacabka magaalada Qaza.

Mas'uuliyiin American ah ayaa usheegay wargeyska Axios (Exsiyoos) in Yahuudda ay ka codsadeen ka baaqsashada weerar jawaab celin ah oo ay ku qaadaan dowladda Shiicada Iiraan taas bedelkeedna ay duullaan ku qaadaan shacabka ubarakacay Rafax.

Dowladda Mareykanka waxay ciidanka Yahuudda uballan qaadday taageero dhaqaale iyo mid melleteri haddii ay ka baaqsadaan weerarka Iiraan taas bedelkeedna ay ujiheystaan dhanka mandiqadda Rafac si ay uxasuuqaan dadkii ka barakacay Qaza ee deegaameysiga ka sameystay xuduud beenaadka Masar.

Tallaabadan uu Mareykanku qaaday ayaa banaanka soo dhigaysa sida ay reer galbeedka, Yahuudda iyo Iiraan uu cilaaqaadkoodu u xoogganyahay ayna meel ugasoo wada jeedaan muslimiinta sunniga ah.

Mareykanka ayaa Sahaayinada ku garabsiiyay duullaankii magaalada Qaza ee soo billaawday bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay.

Related Items

Update cookies preferences