Kooxaha Muqaawamada oo gudbiyay mowqifkooda ku aaddan suurtagalnimada heshiis Xabad joojin ah.

Wednesday June 12, 2024 - 17:25:42
Liibaan Jeexoow
Kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa ku dhawaaqay in ay jawaab rasmi ah ka bixiyeen mowqifkooda ku aaddan heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo ay lagalaan Yahuudda.
Xafiiska siyaasadda muqaawamada ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in jawaabtooda rasmiga ah ay ugudbiyeen guddiyada dhax dhaxaadinta ee dowladaha Masar iyo Qadar.

Wasiirka arrimaha dowladda Xukuumadda Al Qaahira ayaa dhankiisa xaqiijiyay in ay guddoomeen jawaab celinta Xammaas ee ku aaddan heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis isweydaarsiga ah ee lafilayo in dhowaan lasaxiixo.

Joe Biden ayaa horraantii bishan ku dhawaaqay qorshe lagusoo gaba gabeyn karo dagaalka bishii 9aad oo xiriir ah ka holcaya magaalada Qaza balse lama oga sida ay dhinacyadu arrinkaas isugu waafaqi karaan.

Related Items

Update cookies preferences