Magaalada Jigjiga oo lagu qabtey xuska Ciidda Kiristanka.

Sunday January 21, 2024 - 16:16:14
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaligalbeed ee ay Xabashidu gumeysato ayaa tibaaxaya in maanta lagu qabtey xuska Ciidda Gaalada ee loogu yeero Timqetka.
Xuskan ayaa si sannadke ah gaaladu ugu dhigtaan dhulalka ay gumeystaan iyo goobaha ay deggan yihiin.

Magaalada Jigjiga oo ay Soomaalidu leeyihiin waxa muddooyinkii ugu dambeeyay aad u soo buuxdhaafiyey nasaarada Xabashida ah iyadoo ay ku dhowdahay in ay magaaladaba la wareegaan. Waxa se la yaab noqotey in Xabashidii xuska dhigeysay ay bandhiggoodii la ag tageen halka ay taallada Sayidku ka taagan tahay iyaga oo saliibkii/Mucatab sita.

Inkastoo shareecadu aaney bannayn in taallo la dhiso haddana tan ayaa ihaano ku ah umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah. Dhanka kale dhawaan warar soo baxayey ayaa tibaaxayey in xarunta deegaanka Soomaalida loo wareejinayo Godey isla markaana ay Jigjigi noqon doonto magaalo toos federaalka u hoostagta sida Diridhaba oo hore Soomaalidu u lahaan jirtey balse laga qaadey.

Dhaxal wareejinta dhulka iyo badda Soomaaliyeed ayaa Xabashidu u xusul duuban yihiin halka Soomaalidu ay hurdo dheer ku jiraan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences