Shiinaha oo noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi safiir siiya Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Thursday February 01, 2024 - 16:49:27
Idriis Ali
Dalka Shiinaha ayaa noqday dowladdii ugu horreysay ee waraaqaha safiirnimo ka aqbala Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan. Wawlawi Asadullah Bilaal ayaa xukuumadda Taliban ay u soo magacowday Shiinaha.
Xaflad Wawlawi loogu sameeyay Hoolka Dadweynaha waxa ku qaabiley madaxweynaha dalkaas Xi Jinping halkaas oo ay ku sugnaayeen safiirro kale oo iyana laga qabanayay waraaqahooda aqoonsiga isla markaana ka kala socday waddamada Cuba, Iran iyo Pakistan iyo kuwo kale.

Afhayeen u hadley Wasaaradda Dibedda ee China oo mar wax laga weydiiyey bal in ay aqoonsadeen Xukuumadda Taliban ayaa ku jawaabey in Shiinuhu aamminsan yahay in Taliban aanay ka baxsanayn beesha caalamka isla markaana ay caadi tahay in safiirkooda laga aqbalo warqadaha aqoonsiga.

Dhanka kale Xukuumadda Taliban ayaa soo dhaweysay go’aanka Shiinuhu ku aqbaley safiirkooda. Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaana bartiisa X ku baahiyey in China fahmey wax aaney dunida inteeda kale fahamsanayn.

"Kuma sugnin duni cid keli ahi ka arrimiso” ayuu yiri Zabihullah, isla markaana waxa uu ugu baaqey Ruushka, Iiraan iyo dalalka kaleba in ay qaadaan tallaabo lamid ah midda dublomaasiyadeed ee China xiriirka kula sameeyay xukuumadda fadhigeedu yahay Kabul.

Xukuumadda Washingtong iyana waxa ay dhankeeda ku tilmaantey xiriirka Beijing iyo Kabul mid aan caddayn, waxa aaney ku baaqdey in Shiinuhu caddeeyo mawqifkiisa ku aaddan in uu aqoonsadey Taliban iyo inkale.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences