Askar Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay gobolka Bakool.

Saturday June 01, 2024 - 17:04:18
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorshaysan oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ka fuliyeen mid kamida degmooyinka gobolka Bakool.
Toogasho ay shiishyahannada jihaadiyiinta ugeysteen askar Itoobiyaan ah oo ku sugnaa saldhig kuyaal degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sababay dhimashada 1 askari oo Xabashi ah iyo dhaawac soo gaaray 2 kale.

Saacado kadib markii ay toogashadaas dhacday ayay jihaadiyiintu weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Related Items

Update cookies preferences