Dowladda Kuuba oo Mareykanka ku eedaysay in uu Soomaaliya ku dilay dhaqaatiir maxaabiis ah.

Saturday June 15, 2024 - 14:04:45
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kuuba ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu mas'uul ka ahaa dilka dhaqaatiir Kuubaan ah xilli iyagoo maxaabiis ah ay gacanta ugu jireen Al Shabaab.
Bruno Rodríguez Parrillas oo ah wasiirka arrimaha dibadda Kuuba oo ka jawaabayay beenin isbuucii lasoo dhaafay ka timid taliska ciidankada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM) ayaa arrinkaas ku tilmaamay mid aan lagu qanci karin.

"Waa wax lala yaabo xogta uu sii daayay afhayeenka Mareykanka oo aan wax cusub ku soo kordhineynin dhimashada dhaqaatiirta Cuba, xogta aan heyno waxay sheegaysaa in Mareykanku uu dilay dhaqaatiirteena"ayuu yiri Bruno Rodríguez Parrillas.

Dhaq dhaqaaqa jihaadiga Al Shabaab ayaa bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay soo saartay bayaan sawirro wata oo lagu caddeeyay in duqeyn ka dhacday degmada Jilib uu Mareykanku ku dilay laba maxbuus oo udhashay dalka Kuuba.

Related Items

Update cookies preferences