Malleeshiyo taabacsan TPLF oo dilal ka geystay deegaanka Axmaarada.

Saturday June 08, 2024 - 17:05:34
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhanka Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan jabhadda TPLF ay gudaha u galeen deegaanka Axmaarada halkaas oo ay ku dileen dad lagu qiyaasey 15 ruux.
Dadka deegaanka iyo maamulka Axmaarada ee Itoobiya ayaa xaqiijiyey in dad ku dhaw labaatan qof lagu diley deegaankooda isla markaana guryo lagu gubey. Weerraradan ayaa ka dhacey deegaanka Addi Arkaay ee waqooyiga gobolka Axmaarada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tiro dhallinyaro ah ay qafaasheen TPLF kuwaas oo wali la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka Tigrey warbixin uu soo saarey waxa uu iska fogeeyay weerrarada ka dhacey Addi Arkaay.

Dhanka kale waxa wali sii socda dagaallada u dhexeeya jabhadda Axmaarada ee Faano iyo Ciidanka Itoobiya.

Faano waxa ay beegsanayaan dhammaan saraakiisha dowladda u shaqeeya ee ku sugan deegaanka Axmaarada. Wararka qaar waxa ay tibaaxayaan in Bandoow cusub lagu soo rogey magaalooyinka ugu waaweyn ismaamulka Axmaarada ee Baxardaar iyo Gondhor.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences