Weerar 4 gaari lagu gubay oo ka dhacay deegaanka Gololeey ee duleedka Balcad Sh/dhexe.

Saturday June 15, 2024 - 12:08:32
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar cusub oo khasaara geystay lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay duleedka Balcad
dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weerar kamiin ah u dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka dowladda xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in gaadiidka lagubay ay sahay melleteri usideen ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar.

Weerarkan dhabagal ah waxaa lagu gubay ilaa 4 gaari oo waday agabka ciidan, Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Related Items

Update cookies preferences