Xisbullah: haddii Yuhuuddu weerar soo qaaddo diyaar baan u nahay.

Wednesday June 05, 2024 - 15:36:21
Liibaan Jeexoow
Xisbiga Shiicada Lubnaan ee Xisballah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin haddii dagaal kaga yimaaddo dhanka Israel.
Ku xigeenka guud ee ururkaas Naciim Qaasim wuxu u sheegay Telefishanka Al Jazeera in ururku diyaar u yahay in ay jawaab ka bixiyaan daandaansi kasta oo kaga yimaadda dhanka Yuhuudda.

Waxa uu intaa ku darey in ururku aanu diyaar u ahayn ballaarinta dagaalka, balse haddii lagu qasbo aaney gacmaha ka laabanayn.

Hadalladan ka soo yeeray hoggaamiye xigeenka ururka ayaa imanaya xilli Wasiirka Amniga Yuhuuddu uu mar sii horreysay ku gooddiyey in ay burburin doonaan urur Xisbullah ee Lubnaan.

Ben Gvir oo saaka gaarey Koonfurta dhulka ay Yuhuuddu haysato waxa uu sheegay in ay tahay xilligii ay burburin lahaayeen ururka Shiicada ee Lubnaan. Xaaladda mandiqada Bariga Dhexe ayaa ka sii daraysa marba marka ka dambeysa taas oo laga cabsi qabo in uu dagaal weyni ka qarxo.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences