Natiijooyinka ugu dambeeyay ee ka soo baxey doorashadii South Africa.

Monday June 03, 2024 - 10:37:24
Liibaan Jeexoow
Waxa la tiriyey badiba codadkii laga dhiibtey doorashadii baarlamaanka ee ka qabsoontey dalka South Africa 29 May ee bishii ina dhaaftey.
Xisbiga talada dalkaas haya ee ANC ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah waayey aqlabiyaddii uu ka heli jirey doorashada. ANC waxa uu helay 40.21% taas oo noqonaysa aqlabiyad yar marka loo eego sidii uu ahaan jirey.

Xisbiga Isbahaysiga Dimuquraadiga (DA) oo ahaa mucaaridka ugu weyn waxa uu helay 21.78%, halka xisbiga MK ee uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma uu helay 14.58%.

Guddida Doorashooyinka ee South Afrika ayaa la rejaynayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada doorashada habeennimada Isniinta ee berri ah.

Guud ahaan dadka qaatey kaararka codeynta waxa tirakoobkoodu noqday ku dhawaad 28milyan oo qof laakiin waxa codkooda dhiibtey keliya 16milyan iyo laba boqol oo kun oo qof. Tan ayaa lagu sheegay heerkii cod dhiibashada ee ugu hooseeyay soddonkii sano ee ugu dambeeyay.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences