Sannadkan oo noqonkara kii ugu dambeeyay Federaalka Soomaaliya.

Saturday June 22, 2024 - 12:03:39
Laga soo bilaabo dabayaaqadii sannadkii 2006 Soomaaliya waxa ay waajahaysay duullaamo shisheeyo oo kala duwan kuwaas oo qaatey magacyo kala geddisan laakiin dhammaantood ay ka sinnaayeen waxa loogu yeero la dagaallanka argagixisada.
Bixitaankii askarta Itoobiya waxa dib loo soo dhoob dhoobey ciidan loo bixiyey Nabad Ilaalin oo qorshahooda koowaad ahaa la dagaallanka Shareecada.

Ka dib maandhaytyo kala gedisan waxa ugu dambayn hawlgalkii AMISOM loo beddelay ATMIS kaas oo la siiyey maandheyt laba sano ah isla markaana soo gebo-geboobi doona December 31, 2024. Bixitaanka ciidamada shisheeye waxa loo qorsheeyay dhawr weji oo mid kamid ahi ku beegnaa bisha lixaad ee sannadkan in ay dhowr kun oo askari baxaan.

Haddaba xukuumadda Xasan Sheekh ee dabadhilifka ah waxa ay ogaatey in aan dadka Soomaaliyeed jujuub lagu sii haysan karin isla markaana rabitaankoodu yahay Shareecada. Xasan iyo kooxdiisu waxa ay durba dalbadeen in la hakiyo bixitaanka ciidanka shisheeye laakiin waa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen!.

Dunida waxa ka bilaabmey marxalado kala guur ah, gaaladii Reergalbeedkuna waxa ay culeysyo dhaqaale oo aan xad lahayn ku maareynayaan dagaallada ka socda Ukriane iyo Qaza. Sidaa darteed sida dhawaan ay baahisey Wakaaladda Wararka Reuters waxa ay sheegtay in 2 diblomaasi oo magacooda qariyey ay xaqiijiyeen in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay joojinayaan taageeradii ay siin jireen shisheeyaha Somalia ku sugan.

Reuters waxa ay daabacdey in Mareykanka oo keli ah lacag 2bilyan iyo bar ay kaga baxdey hawlgalka AMISOM/ATMIS tan iyo sannadkii 2007 taas oo ay dheer tahay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo iyagana ay malaayiin ku baxdo. Dhanka Midowga Yurub lacagta kaga baxdey Somalia tan iyo 2007 waxa lagu qiyaasey 2.8bilyan oo doolar. Haddaba isweydiintu waxa weeye Reergalbeed iyo Mareykan diyaar ma u yihiin in ay lacagahaas weli ku sii kharashgareeyaan Somalia?.

Dhawaan Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey Norway waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la furaan Alshabaab! Hadda waa Xasan Sheekhii lahaa waxa aanu Shabaab ku tirtiri doonnaa muddo gaaban waxaanuna ku soo afjari doonnaa qori caaradii.

Waxa kale oo xusid mudan hadalkii Xuseen Macallin ee ahaa Shabaab ma jiri doonaan xagaaga sannadka 2024, hadalkaas oo beenoobey. Xuseen mar wax laga weydiiyey saadaashiisii laba sano ka hor waxa ka hirgaley waxa uu ku calaacaley haddii aan Cawsweyne jiri lahayn wax badan baa moo suurogeli lahaa.

 Waa run in Cowsweyne wax badan ka beddelay saaxadda dagaalka laakiin waxa been ah in guushu marnaba jirtey dhanka Huwanta.
Taariikhda dunida waligeed gumeyste shisheeye iyo dad ku daabani waa jireen laakiin waxa xaqiiqdu tahay ma sii joogi karaan dhul aaney lahayn lagana rabin? Afghanistan baa tusaale u ah Soomaaliyana way ku xigi doontaa insha Allah.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences