Maleeshiyaadka Kooxda RSF oo 100 qof shacab ah ku xasuuqay dalka Suudaan.

Thursday June 06, 2024 - 12:56:31
Liibaan Jeexoow
Wadanka Suudaan waxaa ka socda xasuuq ay geysanayaan maleeshiyaadka Janjawiidka ee gacan saarka wanaagsan laleh dowladda Imaaraatka Carabta.
Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda RSF (Dacmu Sariic) ay xasuuq bahalnimo ah ka geysteen deegaan katirsan gobolka Aljazeera.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Maleeshiyaadka ayaa gudaha ugalay tuulada Wad-Nuurah kadibna waxay geysteen xasuuq aan kala sooc laheyn.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay meydadka 100 ruux oo goobta daadsan, dadkii ka badbaaday xasuuqan ayaa sheegay in ay lakulmeen falal bahalnimo oo aysan garan karin wax ay ku sifeeyaan.

Dagaalka Suudaan oo galay sanadkii 2aad oo xiriir ah ayay wakiillada Imaaraatka Carabta lawareegeen dhowr magaalo iyo tuulooyin muhiim ah.

Related Items

Update cookies preferences