Turkiga oo sheegay in ay garab taagan yihiin Lubnaan.

Thursday June 27, 2024 - 10:22:23
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Erdogan ayaa ka dhawaajiyey in dalkiisu garab taagan yahay dalka Lubnaan/Hezbollah oo xiisad siyaasadeed ka dhex bilaabantey Yuhuudda.
Erdogan waxa uu maanta oo Arbaco ah ku eedeeyay Reergalbeedka in ay taageerayaan weerar Yuhuuddu rabaan in ay ku qaadaan ururka Xisbullah ee Lebnaan. Dhanka kale waxa uu Hoggaamiyaha Turkigu uga digey Netanyahu in uu dagaalka ballaariyo taas oo keeni karta musiibo weyn, waa sida uu hadalka u dhigey eh.

Dhanka kale waxa shaley warbaahinta la hadley madaxii hore ee Sirdoonka Turkiga haddana ah Wasiirka Dibedda Hakan Fidan isaga oo sheegay in warbixino sirdoon oo ay helayaan ay tibaaxayaan dhaqdhaqaaq Yuhuuddu ka waddo Jasiiradda Qubrus.

Waxa aanu intaa ku darey in saldhigyada millateri ee laga sameynayo Qubrus aaney u wanaagsanayn dalka Giriigga iyo mandiqaddaba. Saldhigyadan ciidan ayaa wararku intaa raacinayaan in lagala soconayo dhaqdhaqaaqyada Qaza iyo Koonfurta Lubnaan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences