Cisbitalka Hargeysa oo sheegay in tiro dad ahi u geeryoodeen xanuunka Xumadda.

Thursday June 13, 2024 - 17:29:44
Liibaan Jeexoow
Saddexdii sano ee u dambeeyay waxa gobollada Waqooyi aad u saameeyay cudurka loo yaqaanno Dengue Fever(Xumadda) oo ay gudbiso nooc kaneecada kamid ah.
Warbixin uu soo saaray cisbital weyn ee Hargeysa ayaa lagu xusey intirada dadka xanuunkaa u geeryoodey ay yihiin 23 qof oo haween u badan.

Cisbitalku waxa uu tirada dadka ee uu cudurku saameeyay ku sheegay 2871 halka 1231 ay yihiin rag 1639 ay yihiin dumar. Tiradan ayaa ah keliya intii cisbitalka la dhigey waxa se jira dad badan oo siyaabo kale ay ula tacaaleen cusbitallo gaar ahi.

Cudurka Dengue Fever waxa uu qofka bukaanka ah ku sababaa in uu yareeyo xinjirowga dhiigga. Sidaas darteed waxa khatar ku jira dumarka xilliga caadada ku jira ee uu asiibo. Sidoo kale qofka samboorka leh ayaa halis ugu jira maaddaama oo dhiiggu lumiyey xinjirowgii oo aanu si fudud ku istaagi karin.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences