Jeneraal Indha Qarshe oo sheegay in maleeshiyaadka dowladda aysan laheyn hoggaan ciidan.

Thursday June 06, 2024 - 17:46:08
Liibaan Jeexoow
Xilli ay ciidamada shisheeyaha ATMIS isku diyaarinayaan in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya ayay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka muujinayaan walaaca ay ka qabaan in maleeshiyaadkoodu ay lawareegi waayaan magaalooyinka ay shisheeyuhu isaga bixi doonaan.
Jeneraal Indha Qarshe oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka Dowladda Federaalka ayaa ka shanqariyay in maleeshiyaadka dowladda ay yihiin kuwa taakdaran oo aan laheyn niyad ay kula wareegaan amniga Soomaaliya.

isagoo wareysi bixinayay ayuu ku dheeraaday ka hadalka fashilka ay dhax muquuranayso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte.

Wuxuu carrabaabay in qaabka shisheeyuhu uu utababaray maleeshiyaadkan ay tahay mid fashil ah "Hoggaanka dowladd ayaa ah mid faashilmay oo iska dhaadhiciyay in shisheeye la'aan dalka aan lahanan karin, waxaa kale oo caqabadaha jira kamid ah dowladaha shisheeye ee ciidamada Soomaaliya soo tababaray oo kala duwan markaas ayuu khasaarayaa wixii ciidamadan loosoo carbiyay"ayuu yiri Indha Qarshe.

Maleeshiyaadka dowladda ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwa ay qabyaaladu dilootay wuxuuna caddeeyay in maleeshiyaadkii dowladda ee Al Shabaab ku laysay gobollada dhexe ay ahaayeen kuwa taakdaran oo aan laheyn taaktiik dagaal.

Taliska ciidanka Malleteriga DF-ka ayuu ku dhaliilay kala qeybsanaan iyo isbarbar yaac, hadalkan kasoo yeeray Indha Qarshe ayaa kusoo aadaya xilli maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya ka jira ay xaalad qoobgariir ah ku suganyihiin iyagoo ka walaacsan marka ay ciidanka shisheeye ka baxaan Soomaaliya in Shabaabul Mujaahidiin ay lawareegaan talada wadanka.

Related Items

Update cookies preferences