Weerar 15 Askari lagu dilay oo ka dhacay dalka Niger.

Monday August 02, 2021 - 11:52:59
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawa leh ayaa ka dhashay weerar culus oo ka dhacay mid kamida dowladaha dhaca mandiqadda saaxilka qaaradda afrika.


Wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Burkina Faso iyo Niger ayaa sheegaya in weerar hubaysan lagu dilay ku dhowaad 15 askari oo katirsan ciidanka melleteriga Niger.

Weerarkan oo shalay dhacay ayaa lala helay ciidamo ku sugnaa xuduud beenaadka Burkina Faso, dowladda dabadhilifka Niger ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in ladilay 15 askari halka lala'yahay 6 kale.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay wasaarada difaaca ciidamada ayaa weerar dhabbagal ah lakulmay kadibna iyagoo ku mashquulsan daad guraynta dhaawacyada ayay ku qarxday miino gacan ku sameys ah oo dhuka lagu aasay arrinkaas oo sare uqaaday khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Wakaaladda wararka Faransiiska oo soo xiganaysa ilo wareedyo rasmi ah waxay sheegtay in dhimashada guud ee weerarkii shalay ay gaartay 15 iyo dhaawaca 7 askari halka lala'yahay 6 askari.

Dowladda Niger ayaa qeyb ka ah dowladaha afrikaanta ah ee ku bahoobay isbahaysiga G5 kuwaasi oo kaabaya duullaanka Faransiiska ee dalka Maali.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences