Wasiirka Difaaca Xukuumadda Afghanistan oo si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu dili rabay.

Wednesday August 04, 2021 - 12:08:04
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Xarakada Jihaadiga ah ee Taliban ayaa weerar si aad ah loosoo qorsheeyay ku qaaday goob ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta ugu saraysa wasaaradda difaaca xukuumadda Camilka ah.


Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in howlgal culus lagu qaaday guri uu magaalada Kaabuul ka deganaa wasiirka difaaca waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Ashraf Ghani oo ah madaxweynaha Afghanistan ayaa weerarkan si kulul ucambaareeyay isagoo Taliban ku eedeeyay in ay halis gelisay nolosha wasiirka difaaca iyo kaaliyaashiisa.

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Imaarada islaamiga ah ninka lagu magacaabo Dabiixullaahi Mujaahid ayuu ku faah faahiyay camaliyaddii Kaabuul iyo farriimaha ay xambaarsaneed.

Ugu horrayn wuxuu sheegay in 'mujaahidiintu' ay mas'uul ka ahaayeen weerarkii xalay ayna beesadeen xarun ay ku shiraan mas'uuliyiinta wasaaradda difaaca.

"Weerar istish-haadi ah oo aad loosoo qorsheeyay ayaa xalay ka dhacay xarunta shirarka wasiirka difaaca maamulka Kaabuul, weerarkan waxaa fuliyay tiro kamid ah geesiyaasha mujaahidiinta ee guutada istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga ah kuwaas oo watay hub culus iyo mid fudud waxaa kale oo weerarka loo adeegsaday gaari miinaysan" ayaa lagu yiri bayaanka.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid wuxuu intaas ku daray in xilligii uu weerarku dhacayay ay xarunta shir muhiim ah ku lahaayeen wasiirka difaaca iyo kaaliyaashiisa.

Weerarkan ka dhacay caasimadda Afghanistan ayaa imaanaya xilli ay jihaadiyiintu usii garguuranayaan magaalooyin xarumo goboleedya ah islamarkaana uu Mareykanku sii wado qorshaha uu ciidamadiisa ugala baxayo wadankan ay dagaallo halakeeyeen.

Related Items

Update cookies preferences