Inqilaab fashilmay oo ka dhacay wadanka Suudaan.

Tuesday September 21, 2021 - 11:01:12
Liibaan Jeexoow
Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay isku day inqilaab melleteri oo ay sameeyeen Jeneraallo katirsanaa nidaamkii cumar Xasan Al Bashiir.


Telefeshinka ku hadla afka dowladda ayaa xaqiijiyay in ciidamada melleteriga gaar ahaan guutada gaadiidka gaashaaman ee fadhigeedu yahay magaalada Umudurmaan ay sameeyeen inqilaab balse lafashiliyay.

Saraakiil ciidan ayaa weerar ku qaaday xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka Umudurmaan si ay halkaas uga iclaamiyaan in ay dalka lawareegeen.

"Dadka Suudaaniyiinta waa in ay ka qeyb qaataan difaaca dalkoosa" waxaa sidaas yiri Max'med Alfaki Suleymaan oo katirsan golaha talada haya ee Suudaan.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Khurduum ayaa sheegay in waddooyinka waaweyn ee magaalada lagusoo daadiyay ciidamo kumanaan ah.
Iska hor'imaadyo culus ayaa lasoo sheegayaa in ay ka socdaan waddooyinka Umudurmaan, illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo qaabkii uu ufashilmay inqilaabkan melleteri.

Ku biir Channelka SomaliMeMo ee Telegram

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences