Cabdulqadiir Khaan caalimkii Niyugleerka dowladda Pakistan oo dhintay [Warbixin].

Sunday October 10, 2021 - 09:53:47
Liibaan Jeexoow
Waxaa magaalada Islam'abad ku geeriyooday caalimkii weynaa ee fiisigiska islamarkaana waddanka Pakistaan u sameeyay hubka wax gumaada ee nukliyeerka.



Telefeshinka ku hadla afka dowladda Pakistan ayaa xaqiijiyay geeridiisa wuxuuna sheegay in Cabdulqadiir uu haleelay caabuqa Covid19 lana dhigay Isbitaal melleteri balse iyadoo xaaladiisu kasoo raynayso uu si lama filaan ah ugu dhintay gurigiisa.

Ninkan ayaa aad looga ixtiraami jiray waddankiisa islamarkaana lagu tilmaami jirey geesi qowmiyadeed oo waddani ah. Cabdilqadiir Khaan ayaa la sheegay in uu u dhintey sababo la xidhiidha xanuun sambabada ka haleelay.

Pakistan oo ah waddanka keliya ee muslimka ah islamarkaana haysta hubkan casriga ah ayaa cadaawad wayni waxa ay kala dhaxaysaa Hindiya oo ah waddan intiisa badan dadkiisu mushrikiin yihiin.

Hindiya, Baakistaan iyo Bangaaladheesh waxa ay isku ahaan jireen hal waddan xilliyadii gumeystaha sida taariikhdu weriso haddana waa saddex waddan oo kala duwan, gummeystihii Ingiriiska ayaa muslimiinta mandiqadda kala qeybiyay arrinkaas oo sababay in ay wiiqanto awooddii islaamiga aheyd ee mandiqadda.

Caalimkii Niyugleerka Pakistan ee geeriyooday ayay  da’diisu caga-cagaynaysay 85 jir wuxuuna dhashay  bishii April ee sannadkii 1936-kii  balse maanta oo ay bishu tahay 10 October, 2021 ayuu dunida macasalaameeyay.

W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items

Update cookies preferences