Sarkaal Muqdisho lagu dilay iyo melleteriga Kenya oo Jubbada hoose lagu weeraray.

Monday October 11, 2021 - 17:11:15
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha Kenya.


Xoogag jihaadi ah ayaa xalay weerar ku miray saldhigga ciidanka Melleteriga Kenya ay ka sameysteen deegaanka Hoosingoow ee xuduud beenaadka ku dhow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen, balse lama oga khasaaraha gaaray ciidamada KDF ee la beegsaday.

Dhinaca kale rag hubaysan ayaa maanta xaafada Sona Kay ee degmada Hodon magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences