Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Booqday Xerada Xalane.

Monday August 29, 2022 - 21:35:25
Liibaan Jeexoow
Wafdi ka socday melleteriga dowladda Mareykanka ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Gen. Michael Langley oo ah taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa tagay xerada Xalane halkaas oo uu kulan kula qaatay wasiirka Gaashaandhigga DF-ka iyo taliyaal ciidan.

Michael oo bedelay Stephen Townsend ayuu socdaalkiisu salka ku hayaa ladagaallanka Al Shabaab sida uu sheegay C/qaadir Max'med Nuur oo ah wasiirka gaashaandhigga DF-ka.

Joe Biden bishii May ee lasoo dhaafay amray in dalka Soomaaliya dib loogu celiyo boqolaal katirsan ciidanka Mareykanka si ay qeyb uga noqdaan duullaanka shisheeye ee Soomaaliya lagusoo qaaday.

Dowladda Mareykanka ayaa 10-kii sano ee lasoo dhaafay duqeymo laayaan ah ka geysanaysay dalka Soomaaliya balse duqeymahaas waxba kama tarin awoodda jihaadiga ah ee bariga Afrika ka hana qaadday.

Related Items

Update cookies preferences