Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Afgooye iyo Ceelasha Biyaha.

Thursday July 20, 2023 - 11:48:39
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka weynaha Ceelasha Biyaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerar culus lagu qaaday saldhig kuyaal xaafadda Alnasri3 sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Afgooye ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan DF-ka, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarkan lagu dilay 2 askari islamarkaana loogasoo furtay 2 qori AK47 ah.

Related Items

Update cookies preferences