inkabadan laba kun oo ruux ayaa ku dhimatay fatahaada ku dhuftay dalka Liibiya [Warbixin].

Tuesday September 12, 2023 - 12:55:09
Liibaan Jeexoow
Musiibo kale oo faajaco ah ayaa ka dhacday mid kamida dalalka dhaca mandiqadda Maribul Islaam ee waqooyiga qaaradda Afrika.
Wararka ka imaanaya bariga wadanka Liibiya aya sheegaya in kumanaan kun oo ruux ay dhinteen halka lala'yahay ku dhowaad 10-kun oo kale kadib markii ay duufaanno daad wata ku dhufteen dhowr magaalo.

Duufaanta loogu magac daray Daanyaal ayaa dad badan ku laysay dhowr magaalo oo katirsan wadanka Liibiya gaar ahaan Darna iyo Bengaazi oo labaduba dhaca bariga wadankaasi.

Saraakiisha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in magaalada Darna inteeda badan ay ku burburtay duufaanta islamarkaana ay daadad ku rogmaday 5 xaafadood ay dhaliyeen dhimashada dad ka badan 2,000 oo ruux.

wasiirka caafimaadka xukuumadda Liibiya ayaa warbaahinta usheegay in dadka ku dhintay musiibadan ay ku dhowyihiin 7,000 ruux balse weli ay socdaan dadaallada lagu samatabixinayo dadka dhibaataysan.

Daadadka ku dhuftay magaalada Darna ayaa yimid kadib markii ay burbureen illaa laba biya xireen oo magaalada hareeraheeda kuyiillay arrinkaas oo sababay in ay isbiirsadeen biyihii ka dhashay roobabaka mahiigaanka ah iyo biyihii ku keydsanaa biya xireennada.

muuqaallo lagasoo qaaday magaalada Darna ayaa muujinayay heerka ay musiibadu gaartay, dadka dhintay badankood waxay ku hafteen biyaha sida xowlliga ah ku socda halka dadka qaar ay ku dhinteen guryaha oo kusoo dumay.

Mas'uuliyiin Liibiyiin ah waxay sheegeen in culeys ba'an ay wajahayaan ragga gurmadka ka shaqeynaya sababa laxiriira waddooyinka magaalooyinka loo maro oo daadku ay gooyeen waxayna codsadeen gurmad degdeg ah.

madaxa gurmadka degdegga ah oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Daraabulis ayaa sheegay in 1,900 oo ruux ay ku dhinteen burburka labada biya xireen ee magaalada Darnah isagoo saadaaliyay in dhimashadu ay kumanaan kun gaari doonto.

Dadka xaalada halista ah ku jira ee badbaadada ubaahan ayaa gaaraya 7,000 oo qoys, magaalooyinka kale ee xaaladaha liita ay ka jiraan waxaa kamid ah albeydaa,suusah iyo shixaat oo dhammaantood dhaca bariga Liibiya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in magaalada Bangaazi lagu la'yahay kumanaan ruux kuwaas oo loo malanayo in ay ku hafteen daadadka ay wadato duufaanta Daanyaal.

Meesha ugu daran waa magaalada Darnah oo illaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay 5k oo ruux.

Dadka ka shaqeeya arrimaha saadaasha hawada waxay sheegeen in roobabka Liibiya ka da'ay ay gaarsiisanyihiin dhumuc dhan 400 oo Mililiitar, waana musiibadii ugu xumeed ee wadakan soo marta 40 sano gudahood.

duufaanta Daanyaal aya sidaan oo kale horay dhibaato ugasoo geysatay wadamo ay kamid yihiin Gariigga iyo Turkiga.

Related Items

Update cookies preferences