Kooxda PKK oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii ka dhacay magaalada Ankara.

Monday October 02, 2023 - 07:02:56
Liibaan Jeexoow
Dowladda Turkiga ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha magaalada Ankara.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen 2 sarkaal oo katirsan ciidanka booliska balse mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay qarinayso khasaaraha rasmiga ah.

Dhinaca kale Xisbiga shaqaalaha Kurdiyiinta ee loo yaqaan PKK ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii shalay, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu ahaa weerar qorshaysan oo ladoonayay in lagu dilo mas'uuliyiin katirsan dowladda Turkiga.

Saacado kadib weerarkii magaalada Ankara ayay diyaaradaha Turkiga duqeymo culus ka geysteen buuraha Qandiil ee waqooyiga dalka Ciraaq halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee PKK.

Related Items

Update cookies preferences