inka badan 500 oo qof ayaa ku shahiiday duqeyn ay Yahuudda ka geysatay Isbitaalka magaalada Qaza.

Tuesday October 17, 2023 - 21:36:04
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha gaalada Yahuudda ay ka geysteen isbitaal kuyaal magaalada Qaza ee dalka Falasdiin.
Wararka ka imaanaya Qaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 500 oo ruux ay hal mar shahiideen markii ay diyaaradaha Yahuudda gantaallo laheleen Isbitaalka Al-ahli ee marinka Qaza.

Muuqaallo naxdin leh oo lagasoo qaaday goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinayay meydadka shuhadada oo daadsan gudaha isbitaalka.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in korontada oo ka go'an magaalada ay xaalad halis ah sii gelinayso dadka dhaawacmay.

Hubka culus ee ciidanka Yahuudda ay ku garaacayaan shacabka rayidka ah waxaa bixiyay dowladaha reergalbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo reer Yurub.

Related Items

Update cookies preferences