Muqaawamada Falasdiin oo weerar dhabagal ah ku dilay Askar Yahuud ah gaadiidna ku gubay.

Monday October 23, 2023 - 09:02:58
Liibaan Jeexoow
Koonfurta magaalada Qaza waxa shaley kamiin lagula beegsadey ciidammada gumeysiga Yuhuudda. Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Yuhuudda iyo cutubyo ka tirsan garabka dagaalka ee Qasaam ku dhex mara gudaha marinka Qaza.

War ka soo baxey garabka warbaahinta ee Xamaas ayaa lagu sheegayin la burburiyey dabbabado dagaal iyo cagafyo taas oo keentay in cadowgu dib u gurtaan goobta oo ay ku noqdaan saldhigyadoodii.

Dhanka kale ciidamada sahaayinadu waxa ay sheegeen in rasaas lala beegsadey ciidankooda meel ku dhow xuduudka koonfureed ee Qaza.

Waxa kale oo cadowgu intaa ku darey in ay dabbaabaadkoodu weerar ku ekeeyeen kooxdii rasaasta ku furtey. Ciidanka Yuhuudduwaxa ay sheegeen dhimashada hal askari oo kamid ah ciidankooda kaas oo uu haleelay madfaca lidka kaareyaashu. Waxaana ay tibaaxeen in ay jiraan dhaawacyo.

Inkasta oo dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Yuhuuddu uu shaley galey maalintii 16aad haddana shaley ka hor ma dhicin iska hor imaad toos ahi maaddaama oo Yuhuuddu duqeymo la beegsanayeen goobaha shacabku deggan yahay.

Dadka waayo aragnimada u leh dagaallada ayaa aaminsan in haddii Yuhuuddu ciidan lug ah ku galaan Qaza ay kala kulmi doonaan wixii Mareykanka ku qabsadey Somalia 1993-kii.


Related Items

Update cookies preferences