Dowladda Itoobiya oo xirtay Wadaad Muslim ah kadib markii uu taageeray Muslimiinta Falasdiin.

Thursday October 26, 2023 - 12:09:18
Liibaan Jeexoow
Ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa howlgallo raaf ah ka sameeyay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in howlgallada oo ahaa kuwa saf ballaaran ah lagu qabqabtay dad muslimiin ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taageero umuujiyeen shacabka Falasdiin ayna dhaleeceeyeen Yahuudda.

Golaha sare ee Muslimiinta Itoobiya ayaa sheegay in laxiray Sheekh Cali Ibraahim oo ah imaamka masjid Bilaal ee xaafadda Masaalimya.

Sheekha laxiray ayaa Jimcihii lasoo dhaafay khudbad uu jeediyay wuxuu kusoo qaatay qadiyadda Falasdiin isagoo muslimiinta Itoobiya ugu baaqay in ay lasaftaan walaalahooda xasuuqa kala kulmaya Yahuudda.

Sidoo kale Masjidka Bilaal ee Addis Ababa waxaa lagu qabtay Nadwo ay boqolaal muslimiin ah kasoo qeyb galeen waxaana looga hadlayay gummaadka ka socda magaalada Qaza.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo xaliif dhow la ah maamulka Yahuuda ayaa dhibsatay tallaabadaas waxayna xirtay Sheekh Cali Ibraahim iyo qaar kamid ah ardaydiisa.

Dhinaca kale howlgallada raafka ah waxaa lagu xiray boqolaal qof oo kasoo jeeda dalka Ereteriya, sida ay wariyaashu sheegayaan howlgalkan ayaa qeyb ka ah olole ka dhan ah dowladda Eereteriya oo uu wado Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences