Meydadka 700 oo ruux ayaa lagu arkay magaalada Umu Durmaan kadib dagaallo saacado badan qaatay [Warbixin].

Sunday November 12, 2023 - 17:17:10
Liibaan Jeexoow
Dagaallo qaraar ayaa lagasoo sheegayaa intabadan magaalooyinka isku raranka ah ee ay ka koobantahay caasimadda dalka Suudaan ee Khurduum.
Ugu yaraan 700 oo ruux ayaa maalmo kooban gudahood lagu dilay magaalada Umu durmaan kadib dagaallo culus oo dhaxmaray ciidamada melleteriga Suudaan iyo maleeshiyaadka fallaagada RSF ee xiriirka dhow laleh dowladda Imaaraatka Carabta.

Mas'uul katirsan wasaaradda caafimaadka Suudaan ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in meydadka ugu yaraan 700 oo ruux laga aruuriyay waddooyinka Umu Durmaan.

Dhinaca kale qaraxyo waaweyn ayaa sababay in ay burburto buundada muhiimka ah ee Shambat oo kamid aheyd shanta Buundo ee magaalada Kharduum.

Wasaaradda difaaca Suudaan ayaa falkan ku eedaysay hoggaanka kooxda Dacmu Sariic oo dagaal culus kula jirta xukuumadda uu madaxda ka yahay Jeneraal Cabdifataax Alburhaan, dalka Suudaan waxaa ka holcaya dagaallo sokeeye muddo 9 bilood oo xiriir ah.

Related Items

Update cookies preferences