Xasan Sheekh: Itoobiya xaq way u leedahay in ay bad hesho laakiin waa inay annaga nagala hadlaan.

Wednesday January 24, 2024 - 16:03:26
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia oo wareysi siiyey Telefishanka Al Jazeera ayaa sheegay in Itoobiya xaq u leedahay marin badeed laakiin marka hore ay tahay in iyaga/DF lasoo maro oo laga wada hadlo qaabkii farsamo ee hawshaasi u dhici lahayd.
"Waxaan u sheegay RW Itoobiya in uu iska illaawo hadal haynta badan ee badda, xaq baad u leedahay inaad bad hesho laakiin noo kaaley marka hore, dabadeed aynu falanqayno qaabka arrintaasi u dhacayso innagoo u saarayna kooxo farsamo” ayuu yiri Xasan Sheekh
Dhanka kale waxa uu xusey in Itoobiya haddii ay bad rabto ay 19% ku leedahay dekedda Berbera.

"Waxa ay Berbera ku leeyihiin saami ah 19% halka ay immika rabaanna waxa ay kiiloomitirro kooban u jirtaa Berbera taasina suuro gal ma aha” Xasan Sheekh

Wareysiga Xasan oo qaatey wax ka yar 20 daqiiqo ayuu ku sheegay in Itoobiya ay arrimaha badda ka wada hadlayeen bilihii u dambeeyay. Dhanka kale Muuse Biixi oo Xasan uu kula kulmay Djibouti mar wax laga weydiiyey waxa uu caddeeyay in heshiiska ka hor ay ka wada hadleen midnimada Soomaaliya isla markaana uu jawi fiican kusoo dhammaadey.

Mar wax laga waydiiyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxa tibaaxey in ciidammadaas badh kamid ahi ku joogaan magaca ATMIS ee AU. Halka qaar kalena ku yimaaddeen isfaham iyo kalsooni ka dhex jirtey labada waddan.

Suurtagalnimada in ciidammo ka socda Masar ay yimaaddaan Soomaaliya ayuu Xasan iska fogeeyay wakhti xaadirkan waxa aanu caddeeyay in Somalia kamid tahay Jaamacadda Carabta, dastuurka ururkuna uu dhigayo haddii dal kamid ah dalalka ku bahoobey ururka la soo weeraro in ay ka dhigan tahay in dhammaan waddamada la soo weerarey.

"Wali kamaanu wada hadlin Masar in ciidamadooda la keeno Soomaaliya, waxaanna rumaysannahay in aanay xaaladdu halkaa gaarin weli” ayuu yiri Xasan

Laba cisho ka hor waxa hadal uu jeediyey madaxweynaha Masar ku jirtey in uu difaaci doono Somalia haddii ay la kulanto faragelin shisheeye.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences