SIRTA KU DUUGAN KALSOONIDA UU KU DAGAALAMAYO ASKARIGA AL-SHABAAB! [FAALLO].

Sunday January 28, 2024 - 17:11:19
Idriis Ali
Dagaalyahan katirsan AS oo ka dagaallamaya deegaanka Caad
Dagaalyahan katirsan AS oo ka dagaallamaya deegaanka Caad
Al-Shabaab iyadoo dacal iyo daraf, hoos iyo hawada sare, dhan walba laga soo weeraray, hadana ciidankooda marwaliba waa mid macnawiyaatkiisu sareeyo, oo himmo wanaagsan askarta dowladda ee maalin walba wiilal tiro yar iska xerysanayaan sida arigii. Waxaan isweydiiyey dhalinyaradaan maxaa loo sheegay.
Maxaa sababay in hal wiil uu barxad banaan ku ceyrsado tobanaan askari, iyadoo wiilkaas ay dushiisu taagan tahay diyaarad la sheegayo inay waardiye ka heyso ciidankaas la ceyrsanayo, si kale haddii aan u dhaho, maxaa sababay inay askartaa ka cararaan qori AK47, wiilkaasna uusan welwel ku heynin gantaalka 50kg ah ee dushiisa lala taagan yahay?

Waxaa lagu kala haray, waxa la higsanayo. Kuwa cararaya waxay heystaan ballanqaad bashar oo fashilkooda lagu soo arkay Galcad, Coosweyne iyo meelo badan. Wiilashaasna waxay heystaan ballanqaad rabbi oo ku xaqiiqoobay fagaareyaal badan.

Si aad u fahanto kalsoonida ay u dagaalamayaan dhageyso oo dhuux aayadaha qur’aanka ee uu akhrinayo Sheekh Mahad Warsame [06:10 ilaa 06:23 filimka Caad] Aayadahaas wey iga dhaadhaceen aniga markaan ku fiiriyey waxa socda.

قُلِ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ
[Waa Geesinimo iyo dhiiranaanta lagu qaabilo gaalada ee uu qur’aanku ku barayo]
إِنَّ وَلِيِّيَ اللَّهُ الَّذِي نَزَّلَ الْكِتَابَ وَهُوَ يَتَوَلَّى الصَّالِحِينَ
[Waa Awoodda ay ku faanayaan Al-Shabaab iyo ballanqaadka ay heystaan]
وَالَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَكُمْ وَلَا أَنفُسَهُمْ يَنصُرُونَ
[Waa waxtarka saaxiibada caalamiga ah ee ay ku faanto dowladda]

Qur’aanka haddii aan ku tadaburno walaalayaal waan fahmeynaa xaqiiqada dagaalka, cida la kala cuskan yahay iyo natiijada ugu dambeyn soo bixi doonta. aan taageerno xaqqa, kuwa gaalada nagu soo horkacay ee Yahuud iyo nasaaro "saaxiibada caalamka" u bixiyeyna aan dhan uga soo wada jeedsano!!

W/Q: Guulleed Xaaji.

Related Items

Update cookies preferences