Xasan Gurguurte oo dowladda Itoobiya ugu qalbi qaboojiyay in wax colaad ah aysan kala dhaxayn!.

Wednesday February 21, 2024 - 16:43:04
Liibaan Jeexoow
Isagoo niyadda udejinayay dowladda Xabashida Itoobiya ayuu Xasan Gurguurte sheegay in dhammaan heshiisyada amni ee xukuumaddiisu ay la saxiixatay dowladaha shisheeye aysan halis gelin doonin ammaanka Itoobiya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacado kooban gudahood hadallo is khilaafsan ka jeediyay magaalada Muqdisho halkaas oo maanta ay ku kulmeen golayaasha dowladda sida baarlamaanka iyo golaha wasiirrada.

Xasan Gurguurte ayaa ugu horrayn khudbad uu ujeediyay baarlamaanka labadiisa gole ku sheegay in Itoobiya ay quursatay dowladda Federaalka ayna ku adkaysanayso fulinta heshiiskii ay lagashay maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in caalamka ay ka raadiyeen dowlad difaacda badda Soomaaliya balse ay waayeen kadibna ay ku qasbanaadeen in ay dalka ku wareejiyaan Turkiga.

Itoobiya ayuu ku eedeeyay in ay horor ku tahay badda Soomaaliya isagoo mararka qaar u adeegsanayay erayo ay kamid yihiin 'argagaxiso'.

Saacad kadib ayuu Xasan Sheekh shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia wuxuuna bedelay dhammaan hadalladii kululaa ee ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya.

"Heshiiska difaac iyo dhaqaale ee aan lagalnay Turkiga loolama jeedo in uu duullaan dagaal iclaamin ah ku yahay Itoobiya ama dowlad kale" ayuu yiri Xasan Gurguurte.

Waxaa xusid mudan in Villa Somalia ay weli xiriir diblumaasiyadeed iyo mid amni laleedahay dowladda Xabashida Itoobiya, safiirka Xabashida ayaa ku shaqeeya xafiis ku dhaxyaal madaxtooyada magaalada Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences