Xasan Cali Kheyre oo Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu qorayo Dastuur cusub.

Wednesday March 27, 2024 - 14:34:13
Liibaan Jeexoow
Waxaa cirka iskusii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay waxka bedelka Dastuurka dowladda Federaalka ee uu ku howllanahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Cali Kheyre oo horay usoo noqday R/wasaare ayaa si kulul uga hadlay qorshaha waxka bedelka dastuurka isagoo tallaabadaas ku sifeeyay mid halis weyn xambaarsan oo sababi karta in ay burburto DF-ka.

Kheyre ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud in uu qorayo dastuur cusub isagoo meesha ka saaray in uu jiro waxka bedel lagu sameynayo qodobada qaar.
"Dastuurka kumeel gaarka ah waxa uu dhigayaa habraaca qeexaya hanaanka loo marao dib u eegistiisa iyo dhamaystirkiisa,In la bedelo 45 qodob iyo 97 farqadood la soo kordhiyo 19 qodob iyo 94 farqadood,lana tiro 3 qodob oo la soo kordhiyo 26 farqadood oo hore ugu jirin dastuurka KMG, ma aha dastuur la dhamaystirayo ee waa dastuur cusub oo loo qorayo ummada soomaaliyeed iyadoo aan heshiis lagu ahayn.”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Maamulka Jubbaland iyo madaxweynayaashii hore ee DF-ka ayaa iyana dhaleeceeyay tallaabada uu Xasan Sheekh wado iyagoo ku baaqay in laga hortago wax ay ugu yeereen khatar weyn.

Related Items

Update cookies preferences