Reergalbeedka oo saadaalinaya in Iiraan ay weerar uqorshaynayso maamulka Yahuudda.

Saturday April 13, 2024 - 11:34:48
Liibaan Jeexoow
Sida uu qorey Wargeyska caanka ah ee Wall Street waxa uu baahiyey maalinnimadii Jumcada in Yuhuuddu ay u diyaar garoobeyso weerar kaga yimaadda dhanka Iran 48 saacadood ee soo socda.
Waxa kale oo warbixintu sheegtay in madaxda sare ee Tahraan ay gorfeeyeen qorshaha duullaanka balse aaney weli isla meel dhigin halkii laga bilaabi lahaa.

Masuul Mareykan ah waxa uu isna habeennimadii Khamiista ka dhawaajiyey in warbixinaha mukhaabaraatkoodu helayaan ay xusayaan in weerarka Iiraan uu noqon karo mid ka dhaca Israel gudaheeda balse aan loo badinayn wixii dhulkeeda ka baxsan(loola jeedo safaaradaha Yuhuudda ee dibadda ama wixii ka baxsan xuduuddeeda).

Waxa kale oo wargeysku tibaaxey in Hoggaamiyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan ee Khumeyni la hordhigey sinnaariyooyin kala duwan sidii masaaliixda Yuhuudda wax loo yeeli lahaa taas oo keentay in la qaato qorshe koobsanaya weerar toos ah oo la adeegsanayo gantaalaha horumarsan ee dhexdhexaadka ah.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa isla shaley Jimcihii farriin u direy Iiraan isla markaana ugu baaqey in aaney Yuhuudda weerar ku qaadin.

"Farriinteyda aan Iiraan u dirayaa waa in aaney sidaa sameynin” Biden.

Waxa aanu raaciyey in marwalba Mareykanku u taagan yahay difaaca Yuhuudda.

Weerarka laga cabsida qabo ee Iiraan ku qaadayso Yuhuudda ayaa salka ku haya ka dib markii Yuhuuddu marar is xiga weerar ku dishey saraakiil Iiraaniyiin ah oo ku sugnaa dalka Suuriya.

Sida Al Jazeera baahisey laga soo bilaabo maalintii Duufaanta Aqsa waxa ay Israel weerar ku beegsatey xubno millateri iyo la taliyeyaal Iiraaniyiin ah ilaa afar jeer. Beegsigaas oo ka tegay ilaa 11 taliye iyo hal la taliye ugu yaraan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences