Kenya oo ku dhawaaqday in ay isaga baxday heshiis lacag boqolaal Milyan ku kacayay oo kala dhaxeeya Itoobiya

Monday April 15, 2024 - 19:16:57
Liibaan Jeexoow
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay ka laabatay heshiis ay koronto ugasoo iibsanaysay dalka Itoobiya ee dhaca geeska Afrika kadib markii laysku fahmi waayay qarashka korontada.
Xukuumadda Nairobi ayaa si rasmi ah u iclaamisay in ay ka laabtay heshiiskan oo ay Addis Ababa lasaxiixatay 25 sano ka hor, sida uu sheegay guddiga tamarta Kenya heshiiskan oo dib loo cusboonaysiiyay sanaddii 2022 ayaa meelmar noqon waayay kadib markii ay Itoobiya qiimaha korontada ka dhigta 6.5 Senti oo ah Dollarka Mareykanka halkii Kiilowaat.

Hay'adda Tamarta iyo Batroolka dowladda Xabashida Itoobiya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan EPRA ayaa tallaabada ay Kenya qaadday ku tilmaamtay mid khatar ah sababa laxiriira Itoobiya oo ladhiban iska gudidda lacagaha deymaha ah ee dibada looga leeyahay.

Dowladda Kenya ayaa korontada ay dadkeedu isticmaalaan kasoo dhoofsata laba dal oo kala ah Itoobiya iyo Uganda, waxa loogu yeero Bankiga adduunka ayaa Itoobiya kula taliyay in ay kordhiso qiimaha ay ku iibiso korontada si ay isaga guddo deymaha tira beelka ah ee dibadda looga leeyahay.

Dhaqaalaha Xabashida ayaa dhulka ku hoobtay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dagaallada ahliga ah ka qarxeen gobolka Tigray dabayaaqadii sanaddii 2020-kii.

Related Items

Update cookies preferences