4 katirsan ciidanka Gorgor oo ku dhintay qarax ka dhacay jaamacadda Shabelle iyo warar kale.

Thursday May 02, 2024 - 10:25:27
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda lagula beegsaday Muqdisho iyo duleedyadeeda galbeed.
Wararka ka imaanaya galbeedka Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaari gaashaaman ay ku dhinteen ugu yaraan 4 askari oo katirsan maleeshiyaadka loo yaqaan Gorgor.

ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu burburiyay gaari nuuca Taawga loo yaqaan ah, ugu yaraan 6 askari oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Dhinaca kale qaraxyo ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo inta udhaxaysa isbitaalka Digfeer iyo iyo isgoyska Banaadir dhammaantoodna waxaa lala beegsaday ciidamo dowladda katirsan.

Related Items

Update cookies preferences